840 Views

Mareykanka oo muddo kadib sheegtay in uu duqeyn la beegsaday Al-Shabaab

Mareykanka oo muddo kadib sheegtay in uu duqeyn la beegsaday Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Taliska Ciidamada Maraykanka ee qaarada Afrika ee loo yaqaano (AFRICOM) ayaa faah faahin ka bixiyay duqeyn dhinaca cirka ah oo uu Mareykanka ka fuliyey todobaadkaan  deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Warsaxaafadeed kasoo baxay  AFRICOM ayaa lagu sheegay in Ciidamada Mareykanka oo kaashanaya Saaxiibadooda Soomaaliya ay 22-kii Bishaan duqeyn ka fuliyeen degaanka Dudubleey kadib markii Al-Shabaab ay weerareen Ciidamo katirsan kuwa DANAB oo howlgal ka waday degaankaas.

” Qiimaynta khasaaraha dagaalka ayaa wali la sugayaa. Qiimeynta bilowga ah ee taliska ayaa ah in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay duqeyntan ayaa lagu yiri” Warka kasoo baxay Africom.

Ugu dambeyn Mareykanka wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka ay weli ka go’an tahay la dagaalanka Al-Shabaab si looga hortago weerarada mararka qaar ay dadka rayidka ah ku waxyeeloobaan ee ka dhaca Soomaaliya.

War kasoo baxay Maalin ka hor Taliska Ciidanka Kumaandooska Soomaaliyeed ee DANAB ayaa lagu sheegay in howlgal Ciidamadu ka sameeyeen degaannada Duduble iyo Fiidow ee Gobolka Hiiraan inay ku dileen 60 dagaalame oo katirsan Al-Shabaab.

Dhowrkii Bilood ee la soo dhaafay ayaa Mareykanka uusan wax duqeyn ah ka fulin Soomaaliya, waxaana yaraaday duqeymaha tan iyo markii Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu la wareegay talada dalkaas.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post