1809 Views

Sawiro:-Duqa Muqdisho Oo Kulan Laqaatay Duqa Magalada Garoowe

Sawiro:-Duqa Muqdisho Oo Kulan Laqaatay  Duqa  Magalada Garoowe
____________________________________________________________________________

Mogadishu | QOL | December 05, 2018-Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Duqa magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawlad Goboleedka Puntland Mudane Axmed Siciid Muuse.

Guddoomiyaha ayaa uga warbixiyey Duqa Garoowe horumarka ka socda Gobolka Banaadir, dadaallada loogu jiro dib u dejinta barakacayaasha, la dagaallanka musuqmaasuqa, xoojinta amniga iyo daris wanaagga.

Eng.Yarisow ayaa tilmaamay in Duqa Garoowe ay isla gorfeeyeen muhiimadda ay leedahay in mustaqbalka la asteeyo madal ay ku mideysan yihiin Maamullada Dawladaha Hoose ee dalka, si la isaga kaashado baahinta adeegyada asaasiga ah ee bulshada, dhisidda goleyaasha deeganka, faya dhawrka, dib u dhiska iyo dayactirka jidadka.

Dhankiisa, Duqa Garoowe Mudane Axmed Siciid Muuse ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir soo dhaweynta wanaagsan ee ay u sameeyeen, isagoona bogaadiyey horumarka muuqda ee ay ku tallaabsatay Caasimaddu.

Duqa Caasimadda Dawlad Goboleedka Puntland ayaa xaqiijiyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga ka dhaxeeya Dawladaha Hoose ee magaalooyinka dalka, maadaama ay fursad u tahay kor u qaadista xirfadaha shaqaalaha, xoojinta amniga iyo isdhexgalka bulshada.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa guddoonsiiyey duqa Garoowe labo kamid ah basaska waaweyn ee dadweynaha oo loo qorsheeyey Caasimadda Puntland, isagoona ugu hambalyeeyay Duqa Garoowe, Kuxigeenkiisa iyo guud ahaan Golaha Deegaanka doorashadii dhawaan lagu soo doortay.

 

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment