951 Views

Tobanka ciyaartooy ee ugu wanaagsan guud ahaan dunida

Tobanka ciyaartooy ee ugu wanaagsan  guud ahaan dunida
____________________________________________________________________________

June 16 2021

Ilaa shan naadi oo ka dhisan Yurub ayaa lagu tiriyaa in ay heystaan qaar ka mid ah weeraryahanada ugu wanaagsan dunida.

Weeraryahannadan ayaa soo bandhigay ciyaar aad u wanaagsan marka ay ka dheelayaan tartamada gudaha dalalkooda iyo kuwa caalamiga ahba.

Haddaba waa kuwee ciyaartooyadaas, liiskan kama muuqdaan Lionel Messi iyo Marcus Rashford.

Waxaa weeraryahannadan lagu soo xushay.

10. Andre Silva (Eintracht Frankfurt)

  • Waa weeraryahanka u dheela kooxda Frankfurt xilli ciyaareedkan 2020/21.
  • wuxuu kooxda u dhaliyay ilaa 30 gool.
  • Wuxuu u saftay 34 kulan.
  • Wuxuu ciyaartooyda kale ee kooxdiisa ka caawiyay in ay dhaliyaan 5 gool.
  • Wuxuu celcelis ahaan ciyaar kasta dhaliyay 1 gool.
  • Ciyaarta marka ay mareysay 90 daqiiqo, wuxuu dhaliyay celicelis ahaan 1 gool.
  • Ciyaaryahankan wuxuu u dheela xulka qaranka ee Bortuqiiska.

9. Ciro Immobile (Lazio)

  • Waa weeraryahanka u dheela kooxda Lazio, xilli ciyaareedkaii dhammaaday ee 2020/21.
  • Wuxuu ka soo muuqday 47 ciyaarood.
  • Wuxuu ku guuleystay dhallinta illaa 27 gool.
  • Wuxuu ciyaartooyda kale ka caawiyay dhalinta 8 gool.
  • Wuxuu celcelis ahaan ciyaar kasta dhaliyay 1 gool.
  • Celcelis ahaan, ciyaarta marka ay mareysay 90 daqiiqo wuxuu dhaliyay hal gool.

8. Karim Benzema (Real Madrid)

  • Waa weeraryahanka u ciyaara kooxda Real Madrid xilli ciyaareedkii dhammaday ee 2020/21.
  • Wuxuu ka qeybqaatay ilaa 45 ciyaarood.
  • Wuxuu shabaqa ku dhex riday ilaa 30 gool.
  • Wuxuu ciyaartooyda kale ka caawiyay dhalinta 9 gool.
  • Cecelis ahaan wuxuu ciyaar kasta dhaliyay hal gool.
  • Karim Benzema waa weeraryahan ay ku tashato kooxda Real Madrid, tan iyo markii uu ka tegay Cristiano Ronaldo.
  • Ciyaaryahankan u dhashay Faransiiska wuxuu Real Madrid ka caawiyay in ay kaalinta labaad ka gasho horyaalka La Liga ee Spain.

7. Kylian Mbappe (Paris Saint-Germain)

  • Wuxuu u dheelaa kooxda ka dhisan Faransiiska ee Paris Saint-Germain xilli ciyaareedkii 2020/21.
  • Wuxuu ka soo muuqday ilaa 58 ciyaarood.
  • Wuxuu shabaqa taabsiiyay ilaa 48 gool.
  • Wuxuu ciyaartooyda kale ka caawiyay inay dhaliyaan ilaa 11 gool.
  • Celcelis ahaan, ciyaar kasta wuxuu dhaliyay hal gool.
  • Celcelis ahaan ciyaarta marka ay mareysay 90 daqiiqo 1.15 gool.
  • Weeraryahankan u dhashay dalka Faransiiska waxaa si weyn ugu tiirsan xulka dalkiisa, waana ciyaaryahan ay isha ku hayaan in ay iska ilaaliyaan difaacyada kooxaha caalamka.

6. Cristiano Ronaldo (Juventus)

  • Weeraryahanka kooxda Juventus ee 2020/21.
  • Wuxuu u saftay ilaa 55 ciyaarood.
  • Wuxuu dhaliyay 14 gool.
  • Wuxuu ciyaartooyda ka caawiyay dhalinta 5 gool.
  • Celcelis ahaan, wuxuu ciyaar kasta dhaliyay hal gool.
  • Celcelis ahaan, wuxuu dhaliyay 1.15 gool, ciyaarta marka ay mareysay 90 daqiiqo.
  • Cristiano Ronaldo wuxuu ka mid ah weeraryahanada ugu wanaagsan dunida.

5. Luis Suarez (Atletico Madrid)

  • Ciyaaryahanka u dheela Atletico Madrid xilli ciyaareedka 2020/21.
  • Wuxuu ka qeybgalay 38 ciyaarood.
  • Wuxuu dhaliyay ilaa 21 gool.
  • Wuxuu horseeday caawinta 3 gool.
  • Celcelis ahaan, wuxuu ciyaar kasta dhaliyay hal gool.

4. Romelu Lukaku (Inter Milan)

  • Xiddigan u dhashay Belgium una dheela Inter Milan, xilli ciyaareedka 2020/21.
  • Wuxuu dheelay illaa 53 ciyaarood.
  • Wuxuu shabaqa ku hubsaday ilaa 39 gool.
  • Wuxuu ciyaartooyda kale ka caawiyay in ay dhaliyaan 12 gool.
  • Ciyaar kasta celcelis ahaan wuxuu dhaliyay hal gool.

3. Erling Haaland (Borussia Dortmund)

  • Ciyaaryahanka kooxda Borussia Dortmund, xilli ciyaareedka 2020/21.
  • Wuxuu kooxda u ciyaaray ilaa 52 ciyaarood.
  • Waxaa uu suurogashay in uu dhaliyo 49 gool.
  • Wuxuu ciyaartooyda kale ka caawiyay inay dhaliyaan 9 gool.
  • Celcelis ahaan, wuxuu ciyaar kasta dhaliyay hal gool.
  • Erling Haaland oo u dhashay Norway wuxuu khalkhal geliyaa ciyaaryahanno caalami ah.

2. Harry Kane (Tottenham Hotspur)

  • Waa xiddiga xulka qaranka Ingiriiska, sidoo kale u dheela kooxda Tottenham Hotspur.
  • Wuxuu ka qeybgalay ilaa 54 ciyaarood, xilli ciyaareedkan.
  • Wuxuu dhaliyay ilaa 30 gool.
  • Wuxuu horseeday oo laacibiinta kale ka caawiyay 18 gool.
  • Celcelis ahaan, wuxuu dhaliyay hal gool ciyaar kasta.
  • Waa weeraryahan ay si weyn ugu tiirsan tahaykooxda Tottenham Hotspur, wuxuu kooxdiisa u horseeday in kaalin wanaagsan ay ka galaan horyaalka Ingiriiska.

1. Robert Lewandowski (Bayern Munich)

  • Wuxuu u dhashay dalka Poland, wuxuuna u ciyaaraa kooxda Bayern Munich.
  • Wuxuu ka soo muuqday ilaa 47 ciyaarood.
  • Wuxuu dhaliyay 53 gool.
  • Wuxuu ciyaartooyda kale ka caawiyay inay dhaliyaan 9 gool.
  • Celcelis ahaan, wuxuu ciyaar kasta dhaliyay 1.28 gool.
  • Robert Lewandowsk wuxuu hadda yahay weeraryahanka ugu wanaasgan dunida, maadama uu kaalinta koowaad ka soo galay diiwaanka weeraryahanada ugu sarreeya xilli ciyaareedkan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post