873 Views

Wasiirka Duulista oo shati shaqo siiyay Shirkad Royal Air oo diyaarad keensatay

Wasiirka Duulista  oo shati shaqo siiyay Shirkad Royal Air   oo diyaarad keensatay
____________________________________________________________________________

Talaado:September 7, 2021

  Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa  Shatiga Shaqada Siiyey  Diyaarad Cusub oo ay keensatay Shirkadda Royal Air oo daah furtay Diyaarad cusub oo Dulimaadyo ka bilaabi doonto Dalka.

Diyaaradda oo buuxisay Shuuruudaha laga rabo Diyaaradaha Duulimaadyada ka samaynaya Dalka Gudihiisa iyo Dibadiisa ayaa qaadatay shatiga shaqada.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa tilmaamay in ujeedka shatiyada loo siinayo shirkadaha duulimaadyada uu yahay sidi shacabka  Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen Adeegyo Duulimaad oo tayadiisu sarayso.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post