972 Views

Dayax gacmeedka Shiinaha oo sawirro Qurxoon ka soo diray Hawada sare

Dayax gacmeedka  Shiinaha oo sawirro Qurxoon  ka soo diray Hawada sare
____________________________________________________________________________

June 12 2021

 Dayax gacmeedka Zhurong ee Shiinaha ayaa soo diray sawirro uu ka soo qaaday Mars oo uu ku jiro mid “selfie” ah oo qudhiisu iska qaaday.

Dayax gacmeedka oo bishii May ku degay Marays ayaa kamarad aan xadhko lahayn dhulka dhigay ka dibna duubay muuqaal kooban oo uu dhakhso u qaaday.

Waxa dhanka midig ka xiga qalabka dayax gacmeedka sida oo lix taayir leh oo si degan u cago dhigtay dhulka.

Muuqaal labaad oo uu dayax gacmeedku qaaday ayaa muujinaya aaladdii sidday qudhiisa.

Waxa muuqda raadka Zhurong ee dhulka uu maray iyo calaamada taayridiisu kaa tageen dhulka iyo boodhkii uu kiciyey.

Sawirka saddexaad wuxuu ka muuqdaa sheedda oo waa markuu cago dhiganayey. Gobolkan waxa loo yaqaan Utopia Planitia oo ah dhul ballaadhan oo ku yaal dhanka woqooyi ee Mars.

Muuqaaladan dhamaantood waxa baahisay wakaaladda hawada saree e Shiinaha oo ku soo bandhigtay xaflad loogu dabaal degayey guusha uu ka gaadhay sahankaa Mars.

Saynisyahannadu waxay rajaynayaan in ugu yaraan mudo u dhiganta 90 maalmood oo kuwa Mars ah inuu shaqayn doono Zhurong.

Dayaxgacmeedku wuxuu aad ugu eeg yahay ka ay wakaalada Maraykanka ee NASA dirtay ee Sprit la yidhaa iyo Opportunity ee sannadihii 2000.

Miisaankiisu waa 240 kg. wuxu leeyahay bir dheer oo kamaraduhu ku xidhan yihiin oo qaadda sawirrada iyo qalab hagidda ah. Shan kale oo dheeraad ah oo iyagana loogu talo galay baadhitaanka macdanaha ku jira dhadhaabaha Mars iyo guud ahaan deegaanka oo cimiladuna ka mid tahay ayaa ku rakiban.

Sida dayax gacmeedyada haatan ee Maraykanka (Curiosity iyo Perseverance) ayaa Zhurong isna waxa uu leeyahay qalabka laser-ka oo uu ku jajabinayo dhadhaabaha si uu u qiimeeyo dhismahooda kiimikaad. Waxa kale oo ku rakiban raadaal uu ku eegayo biyaha dhulka hoostiisa ku jira arintaas oo ah wax yaabo uu kala mid yahay Perseverance.

Khamiistii ayaa jaamacadda Maraykanka ee Arizona waxay baahisay sawirro midab leh oo laga qaaday Zhurong oo maraya majiirihiisa. Kamarada Jaamacadda oo la yidhaa HiRise ayaa waxay ku xidhan tahay dayax gacmeed ay leedahay NASA oo loo diray Mars.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post