972 Views

haweenka iyo ururada bulshada rayidka oo la kulmay madaxda golaha wadatashiga

haweenka  iyo ururada bulshada rayidka oo la kulmay  madaxda golaha wadatashiga
____________________________________________________________________________

Talaado: June 29 2021

Xubno ka socda haweenka ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo ururada bulshada rayidka oo ay hor kaceyso wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka Soomaliya, ayaa goor sii horeysay kulan la qaatay madaxda golaha wadatashiga ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Haweenkani ayaa raii’sal wasaaraha, madaxda maamul goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banadir ka codsaday inay kala hadlaan qodobbo ay ka mid tahay xaqiijinta qoondada haweenka ee boqolkiiba 30-ka ah.

Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade, oo BBC-da la hadashay ayaa sheegtay in ujeeddada ay madaxda golaha wadatashiga ula kulmeen ay tahay, in ay adkeeyaan habraaca kuraasta dumarka loo sameynayo ayna ku adkeeyeen in seddaxda kursi ee ay qabaa’ilada Soomaalidu leeyihiin mid ka mid ah dumar ay dumar noqoto, loona sameeyo dumarka kuraas iyaga u gaar oo ay dumar oo keliya u tartamayaan.

‘‘Runtii madaxdu aad bey noo soo dhaweeyeen, waxayna nala qaateen oo ay noo xaqiijiyeen in la xaqiijin doono boqolkiiba 30-ka, sidoo kale habraaca aan soo jeedinay ee ay wasaaraddu diyaarisay oo goluhu hor yaalana la fulin doono’’, ayay tiri wasiir Xaniifa.

Kulankan ayaa imaanaya xilli madaxda golaha wadatashiga eek u shirsanaa Muqdisho ay maanta ku dhawaaqeen jadwal cusub oo doorasho, kaasoo qeexaya xiliyada la dooranayo xildhibaannada labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka iyo Madaxweynaha, kuwaas oo uu waqtigoodu kala dhamaaday bishii December ee sanadkii hore iyo bishii February ee sanadkan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post