1359 Views

Al-Qaacida oo ku dhawaaqday Hogaamiyihii badali lahaa Ayman Al Zawaahiri oo Geeriyooday Sanadkii hore..

Al-Qaacida oo ku dhawaaqday Hogaamiyihii  badali lahaa Ayman Al Zawaahiri oo Geeriyooday Sanadkii hore..
____________________________________________________________________________

February  26, /2/ 2021

Al-Qaacida ayaa ku dhawaaqday Hogaamiyaha Cusub ee Kooxdaasi waxaana uu badelayaa Ayman Al Zawaahiri.

Hogaamiyahaan cusub ayaa la rumaysan yahay inuu ku dhuumalaysanayo Dalka Iran waana General hore oo Masar kasoo jeeda laguna Magacaabo Seyful Al Cadlo.

Daily Mail waxa ay aaminsantahay in Shaqsigaan uu Al-Qaacida kadhigi doono sidii hore Markii uu Hogaaminayay Osama Bin Ladin.

Sidoo kale Al Qaacida si toos ah uma Xaqiijin Geerida Hogaamiyahoodi hore Ayman Al Zawaahiri inkastoo ay jirtay sanadkii hore 2020 Warar sheegayay inuu u Geeriyooday Cuduro badan oo iskugu tagay uu la tacaalayay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post