1287 Views

Madaxweynihii hore ee Bolivia oo caafimaadkedu wanaagsan yahay

Madaxweynihii hore ee Bolivia oo  caafimaadkedu wanaagsan yahay
____________________________________________________________________________


isniin: August 23, 2021

Madaxweynihii hore ee Bolivia Jeanine Anez ee horay loo xiray ayaa caafimaadkedu wanaagsan yahay  ka dib markii la sheegay in ay isku deyday inay is disho markii dacwad oogayaashu ay ku eedeeyeen in ay ka dambeysay xasuuq loo geystay dad mudaaharaadayay sanadkii 2019.

“Waxaan idiin sheegeynaa shaki la’aan, in caafimaadkeedu deggan yahay.” Juan Carlos Limpias, oo ah agaasimaha xabsiyada Bolivia ayaa sidaas wariyeyaasha u sheegay.

 “Waqti xaadirkan waxay la jirtaa qoyskeeda oo la jooga xabsiga. Qoyska ayaa ah kuwa sida gaarka ah kaga war qaba xaaladdeeda caafimaad. ”ayuu raaciyay.

Anez, oo 54 jir ah, ayaa horaantii sanadkan loo xiray eedeymo la xiriira inay ka qeyb gashay afgembi xilka looga tuuray Madaxweynihii hore e dalkaas Evo Morales sanadkii 2019 -kii

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post