846 Views

Madaxweynihii hore ee dalka Niger oo geeriyooday

Madaxweynihii hore ee dalka Niger oo geeriyooday
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 25, 2020 –Dowladda Niger ayaa shaacisay in madaxweynihii hore ee dalkaas Tanga Mamadou oo ahaa 82 jir uu geeriyooday.

Bayaan kasoo baxay madaxtooyada dalkaas ayaa lagu yiri:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda isagoo ka xun wuxuu idinla socodsiinayaa geerida Mudane Tanga Mamadou, madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Niger”.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in dalka Niger uu geli doono seddex maalin oo baroor diiq ah.

Tanga Mamadou ayaa xukumayay dalka Niger inta u dhaxeysay sanadihii 1999 ilaa 2010.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post