1122 Views

Kulamadii uu la yeeshay Agaasime Koofi,   Madaxda Maamul Goboleedyada, kulamo shaqada horay loogu sii wadayo Sawiro

Kulamadii uu la yeeshay Agaasime  Koofi,   Madaxda Maamul Goboleedyada, kulamo shaqada horay loogu sii wadayo  Sawiro
____________________________________________________________________________

Waxaa magaalada Muqdisho maalmihii la soo dhaafay ka dhacay kulamo kala duwan oo uu Agaasimaha Guud ee HSJ Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) la yeelanayay Madaxda maamul Goboleedyada, taasi oo  ahayd balaarin iyo Tayaynta Howlaha  HSJ  Xafiisyada ay ku leedahay maamuladaasi.

Agaasimaha Guud ee HSJ Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi)  ayaa waxa uu Madaxweyne Denni iyo Madaxweyne Laftagareen oo ay la socdeen Wakiilada laanta Socdaalka ee maamuladaas ka wada Hadleen sidii loo balaarin lahaa howlaha shaqo ee Hay’ada HSJ ka wadaan Magaalooyinka Garowe iyo Baydhabo

kulamadaan oo ahaa  kuwa Xiriir ah, ayaa Waxaa Agaasimaha Guud ee HSJ Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) iyo K/xigeenadiisa ay muujiyeen sida ay heeganka ugu yihiin shaqada Qaranka u igmaday.

Sidoo kale Kulamadaan oo ahaa kuwa  is xog wareysi ahaa ayaa ugu dambeyn ku soo dhamaaday is afgarad iyo guul.

Dhinaca kale Agaasimaha Guud ee HSJ Col, Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa Waxa uu Mudooyinkii la soo dhaafay waday, balaarin Xarumaha Hay’adaasi iyo tayaynta Shaqaalaha Hay’ada oo ka fiican Sidii ay ahaayeen sanado ka hor, kuwaas oo Tababaro u aada Dalka Dibadiisa, Kuna Hela Dalka Gudihiisa Siminaaro, Aqoon kororsi iyo tayo aad u wanaagsan.

Abdihakim Elmi Hassan

Nairobi Kenya

+254-711830393

Email-Cabdixakiin441@hotmail.com

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post