1314 Views

Safiirka Mareykanka ee Kenya oo beeniyay inuu la kulmay Madaxweyne Farmaajo

Safiirka Mareykanka ee Kenya oo beeniyay inuu la kulmay Madaxweyne Farmaajo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October-23–2019 —Safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya Amb, Kyle McCarter ayaa beeniyey in uu Magaalada Muqdisho kula kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo kalana hadlay Arrimaha la xiriira muranka Badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

 

Warka la xiriira in safiirka uu Muqdisho kula kulmay Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa daabacay Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Dalka Kenya, isaga oo soo xiganayay Wareysi ay la yeesheen safiirka.

 

 

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa twitter-ka ayuu ku sheegay safiirka in markii uu yimid Muqdisho uusan la kulmin Madaxweynaha Soomaaliya, hayeeshee ay wada kulmeen qaar kamid ah la-taliyeyaashiisa.

 

Sidoo kale waxaa uu sheegay in uu kala hadlay la-taliyeyaasha aragtidooda ku aadan in Mareykanka uu fududeeyo inay Soomaaliya iyo Kenya ka wada hadlaan Arrimahaas iyo in kale.

 

Ugu dambeyn qoraalkiisa ayaa waxaa uu kusoo geba-gabeeyey in labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya kaliya cadawgooda uu yahay Al-Shabaab loogana baahan yahay inay u midoobaan oo hal meel uga soo wada jeestaan.

 

Markii Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa Dalka Kenya uu daabacaya Wararka la xiriira in Safiirka Mareykanka u fadhiya Kenya Amb, Kyle McCarter uu Muqdisho kula kulmay Madaxweyne Farmaajo kalana dalbaday in uu ka baxo Kiiska Badda ayaa waxaa warkaasi beeniyey Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Amb. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment