1899 Views

Kulamo hordhac ah oo xalay lagu qabtay Magalada Kismaayo

Kulamo hordhac ah oo xalay lagu qabtay Magalada Kismaayo
____________________________________________________________________________

Kismaayo | QOL | September 04, 2018 – Waxaa xalay Magalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose lagu qabtay kulamo gooni gooni ah oo ay lahaayeen Madaxda Dowlad Goboleedayda ee ku sugan Magalada Kismaayo.

Kulamada ayaa ahaa mid looga tashanayay shirka madaxda Iskaashiga dowlad Goboleedyada ee Maanta la filayo in uu ka furmo Magalada Kismaayo iyo qodobo looga hadli doono.

Madaxweynayaaasha Jubbaland, Puntland,Galmudug, Hir-Shabeelle iyo koonfur Galbeed ayaa kulamadaas yeeshay,waxayna diirasada ku saareen waxa laga yeelayo khilaafka qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada kala dhexeeya dowladda Federaalka Soomaliya.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Gurtida Martida ee Magalada kismaayo uu ka furmo shirka Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo uu sidoo kale ka qeyb geli doono Wakiilka Qaramada midoobey ee Arrimaha Soomaaliya Michael Keating iyo xubno kale.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment