831 Views

Sheekh Mukhtaar Roobow “ Farmaajo Illaa lix marbaan kulanay arrimo badan ayaan ka wada-hadalnay

Sheekh Mukhtaar Roobow “  Farmaajo Illaa lix marbaan kulanay arrimo badan ayaan ka wada-hadalnay
____________________________________________________________________________

Isniin: October 25, 2021

Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo weli xabsi guri ku ah magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, kadib markii uu la xiriiray, isla-markaana uu wareysi gaar ah siiyey laabnta Afka Soomaaliga ee VOA-da.

Wareysiga oo dhammeysitan oo lasii daayey ayuu Roobow uga hadlay arrimo dhowr ah oo dhex-maray isaga iyo madaxda ugu sarreysa ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, xilligii u ahaa musharrax madaxweyne oo u taagan hoggaanka maamulka Koonfur Galbeed.

Immisa jeer ayey kulmeen Farmaajo iyo Roobow?

Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa wareysigan ku sheegay in mudd lix jeer ay kulmeen isaga iyo madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmajo), tan iyo markii uu kasoo goostay Al-Shabaab.

https://assets.bilsyndication.com/ads/responsive/m3.html Sheekha ayaa sheegay inuu aad u hadal macaan yahay Farmaajo, balse ficil fulineed, sida uu hadalka u dhigay.

“Illaa lix marbaan kulanay arrimo badan ayaan ka wada-hadalnay hadalkiisa aad-buu u amacaanaa, laakiinse wax fulin ah ma uuna laheyn,” ayuu yiri Mukhtaar Roobow.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in markale ay khadka Taleefanka ku wada-hadleen, intii uu joogay Baydhabo, ayna ka wada hadleen doorashada Koonfur Galbeed ee xilligaasi.

“Markii aan hadda ololaha galnayna marbuu isoo diray Allaha u naxariistee Ugaas Maxamed Weli oo la wada yaqaano Ugaasku waa ii yimid wuxuu i yiri Farmaajo ayaa isoo diray, waa wada-hadalnoo Taleefoon baa ku wada-hadalnay, kadibna wuxuu dhaafin waayey khalad baa dhacee imow,” ayuu markale yiri Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo weli xabsi guri ah.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal-qaaday sheeko dhex-martay isla xilligaas  isaga iyo Fahad Yaasiin wuxuuna yiri”Doorashada intaan ku jiray Fahad waa nool yahay ha’igu beeniyo waa isoo wacay wuxuu igu yiri codadka oo dhan haddaad hesho lagu aqoonsan maayo. Waxaa kale oo igu yiri haddii lagaa raayo oo lagaa soo badiyo dowladda ku soo dhex noqon meysid,”

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyey “Waxaa kuu furan ayuu igu yiri saaxibadaadii hore inaad aado, mana kuu sahlano,”.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa kiiskiisu waxa uu soo maray marxalado kala duwan, kadib markii uu kasoo goostay Al-Shabaab, wuxuuna haatan mudo u xiran yahay dowlada dhexe.

 VOA

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post