1497 Views

Qaraxyo Iyo Rasaas Weli Laga Maqlayo Dhismo Ku Yaalla Muqdisho

Qaraxyo Iyo Rasaas Weli Laga Maqlayo Dhismo Ku Yaalla Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL  March 01, 2019 –Wararka ay ka heleyso Shabakada Qaranimo  dhismaha lagu magacaabo Shideeye oo ku yaalla Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Goordhow uu ka dhacay qarax xoogan.

Qaraxaasi ayaa waxa la sheegay in gabi ahaanba uu bur buriyay dhismaha Shideeye oo barqanimadii maanta halkaasi Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ay ka soo badbaadiyeen dad rayid ah.

Weerar ku bilowday qaraxyo oo xalay rag ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen Maqaayadda Hilaac UK ee Muqdisho  ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro aad u badan,iyadoo ilaa iyo haatan la maqlayo dhawaqa rasaas xoogan oo dhaceysa.

Ciidamada amniga dowlada Soomaaliya ayaa ku howlan sidii ay u soo afjari lahaayeen howlgalkaan qaatay mudo ku dhow 20 Saacadood,isla markaana waxaa halkaasi ku sugan Ciidamo farabadan oo ka tirsan dowlada.

Xaaladda Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho ayaa xalay iyo haatan kacsan,waxaana mararka qaar  laga maqlayaa rasaas  iyo qaraxyo.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment