1191 Views

Guddoomiye Najax” Maleeshiyaad ka yimid Muqdisho ayaa weerar ka geystay Sh/Hoose”

Guddoomiye Najax” Maleeshiyaad ka yimid Muqdisho ayaa weerar ka geystay Sh/Hoose”
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 27 2020–Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali ( Najax) ayaa si kulul uga hadlay dagaal inta u dhaxeeysa degmada Deeyniile iyo deegaanka Ceelasha Biyaha ku dhex-maray Ciidamada Booliska degmada Deeyniile iyo Ciidamo Millateri ah.

Guddoomiye Najax ayaa sheegay in maleeshiyaad kasoo gudbay degmada Deeyniile ay weerar ka geysteen waaxda jabad-geel ee deegaanka Ceelasha Biyaha,isla markaana maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose uu amnigiisa ilaashanayo.

“Shaqaaqada ka dhacday Waaxda jabadgeele Deegaanka ceelasha biyaha ee Gobolka Shabellaha hoose waxaan cadeyneynaa inay u dhaxeysay Ciidanka Booliska Lafoole iyo Maleeshiyaad ka soo gudbay Degmada Dayniile, Shacabka iyo Maamulka labada gobol waa inay nabada ka shaqeyaan oo Dowladnimada la hirgeliyo ayuu yiri” Guddoomiye Najax.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Sohdinta u dhaxeysa Muqdisho iyo Shabellaha hoose ay tahay mid la wada yaqaano,hayeeshee aysan aqbaleyn in lagu qaldamo dhul aan laheyn sharciyad sax ah.

Dagaalkii ka dhacay Waaxda jabadgeele ayaa waxaa ku dhintay in ka badan Shan Askari,waxaana Guddoomiyaha degmada Deeyniile oo hadlay uu sheegay in Ciidamo Millateri ah oo dad Shacba ah dhul ka burburinayay ay ka difaaceen.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment