1302 Views

SAWIRO:-Dabaaldega xuska sanad-Guurada Puntland oo saakay socota

SAWIRO:-Dabaaldega xuska sanad-Guurada Puntland oo saakay socota
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL August 01,, 2019 —Magalada Garoowe iyo magaalooyinka kale ee Puntland waxaa saakay ka socota munaasabado loogu dabaal-degayo Sanad-guuradii 21aad ee kasoo wareegatay markii lagu dhawaaqay Maamulka Puntland.

 

Munaasabada ugu ballaaran ayaa waxaa ay ka socotaa Magalada Garoowe,waxana ka qeyb galaya Madaxda ugu sareysa Puntland, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka sare iyo mas’uuliyin kale oo lagu Casuumay.

 

 

 

Madaxweynaha Puntland, Saciid C/llaahi Deni ayaa la filayaa in uu goordhow jeediyo khudbad uu kaga hadli doono waxyaabihii u qabsoomay Lixdii bilood ee uu xilka haayay,sidoo kale Mas’uuliyin ka socota dowladda Federaalka ayaa iyana halkaasi ka hadli doona.

 

Ammaanka Magalada Garoowe iyo Magaalooyinka kale ee Puntland ayaa Maanta ad loo adkeeyay,waxaana dhamaan mas’uuliiyiinta ka qeyb galeysa Munaasabada ay ka hadli doonaan xaaladihii ay soo martay Puntland iyo waxa ay hadda ku sugan tahay.

 

Puntland oo haatan 21 sano jirsatay ayaa waxaa markii ugu horeeysay madaxweyne ka noqday marxuum C/llaahi Yuusuf Axmed oo mar sidoo kale soo noqday Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya.

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment