696 Views

Iiraan oo meesha ka saartay in kulan aan rasmi ahayn ay la yeelato Mareykanka iyo quwadaha Yurub si dib boorka loogaga jafo heshiiskii nukliyeerka

Iiraan oo meesha ka saartay in kulan aan rasmi ahayn ay la yeelato Mareykanka iyo quwadaha Yurub si dib boorka loogaga jafo heshiiskii nukliyeerka
____________________________________________________________________________

Mar: 1/3/2021

Iiraan ayaa meesha ka saartay in kulan aan rasmi ahayn ay la yeelato Mareykanka iyo quwadaha Yurub si dib boorka loogaga jafo heshiiskii nukliyeerka, waxayna ku adkaysanaysaa in Mareykanka uu marka hore qaado cunaqabataynta uu kaligii ku soo rogay.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegay in waqtigii ku habboonaa aanay joogin wadahadallada ay Midowga Yurub ku baaqeen.

Mareykanka ayaa sheegay inuu arrintaas ka niyad-jabay hasayeeshee uu diyaar u yahay “inuu markale bilaabo wadaxaajod dublamaasiyadeed” oo arrintan laga yeesho.

Xiisadda ayaa cirka isku sii shareeraysay tan iyo intii uu 2018 Mareykanka isaga baxay heshiiskii nukliyeerka ee Iiraan.

Madaxwaynihii waqtigaas xilka hayay Donald Trump ayaa dib Iiraan ugu soo rogay cunaqabatayntii si dib uga xaajoodaan heshiiskii 2015. Iraan ayaa arrintaas diidday oo kaga jawaabtay in ay dib uga laabato qaar ka mid ah qodobadii ugu muhiimsanaa ee ku jiray heshiiskaasi.

Mareykanka ayaa isaga oo uu Madaxweyne Joe Biden hogaaminayo waxa uu haatan muujiyay inuu diyaar u yahay in marka uu dib ugu biiro heshiiskaasi. Balse xukuumadda Washington ayaa ku adkaysanaysa in Tehran ay qasab tahay inay si buuxdo dib ugu hogaansanto heshiiskii lala galay, halka Iiraan ay sheegayso in taas ay dhici doonto oo kaliya marka cunaqabataynta laga qaado.

“Markaan rogrognay tallaabooyinkii iyo bayaannadii ugu dambeeyay ee Mareykanka iyo saddex dal oo qudaha Yurub ah, Iiraan waqtigan maanka kuma hayso inay wadahadal aan rasmi ahayn ay dalalkaas la yeelato, midkaas oo uu soo jeediyay madaxa siyaasadda dibadda ee Midowga Yurub,” ayey warbaahinta Iiraan ka soo xigteen inuu yiri afhayeen Saciid Khatibzadeh.

Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ayaa sheegay in Mareykanka uu haatan dalalka kale ee qeybta ka ah heshiiska nukliyeerka uu kala tashan doono – waa UK, Faransiiska, Shiinaha, Ruushka iyo Jarmalka – “habka ugu wanaagsan ee hore loogu dhaqaaqi karo”.

Talaadadii lasoo dhaafay, Iiraan ayaa waxa ay bilowday inay xaddido qeyb ka mid ah baaritaankii Hay’adda Atoomikada Adduunka (IAEA) ay ku samayn jirtay goobaha nukliyeerka. Tallaabadan ayaa looga gol-leeyahay in dhinacyada kale ee heshiiska ay Mareykanka cadaadis dheeraad ah ku saaraan inuu qaado cunaqabataynta uu ku soo rogay shidaalka, bangiyada iyo waaxyaha kale ee dhaqaalaha.

Waxyaabaha gundhigga u ah dhibaatada Nukliyeerka Iiraan

  • Walaaca laga qabo in Iiraan ay nukliyeer hesho: Qaar ka mid ah dalalka ayaa muddo dheer-ba ka shakisanaa in Iiraan ay damacsan tahay in si qarsoodi ah ay u samaysato bam nukliyeer ah – balse arrintaas way beenisay
  • Heshiiskii la gaaray: Sanaddii 2015 ayaa heshiis wayn waxa uu dhexmaray Iiraan iyo dal oo kale, kaas oo ka dhignaa in Iiraan ay aqbashay inay xaddido howlaheeda nukliyeerka, taa badelkeedana la soo afjaro ciqaabta adag ama cunaqabataynta lagu hayo ee dhaqaalaheeda curyaamiyay
  • Haatan maxay dhibaatada taagan? Iiraan waxa au dib u bilowday howlaheedii nukliyeerka kaddib markii madaxwaynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, uu heshiiska ka baxay islamarkana uu Iiraan dib ugu soo rogay cunaqabatayn dhaqaale. Walow madaxweynaha cusub ee Mareykanka, Joe Biden, uu doonayo in uu heshiiska dib ugu biiro ayaa haddana labada dhinac-ba waxay leeyihiin waa in kan kale u qaadaa tallaabada ugu horreysa

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post