501 Views

Ergada Dooranaysa kursiga HOP025 oo Gaaray Magaalada Dhuusamareb Soo Dhawayna Loo Sameeyey

Ergada Dooranaysa kursiga HOP025 oo Gaaray Magaalada Dhuusamareb Soo Dhawayna Loo Sameeyey
____________________________________________________________________________

.

Talaado: February 8, 2022

 Waxaa maanta magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug gaaray Ergada dooraneysa kursiga HOP025 oo dhawaan la filayo in doorashadiisa ka dhacdo magaaladaasi.

Ergada beesha iska leh kursigan waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusomareeb kusoo dhaweeyay masuuliyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana ergada la geeyay goobo gaar ah oo loo diyaariyay.

Masuuliyiinta ergada gaartay Dhuusomareeb wax kasoo dhaweeyay waxaa kamid ah Guddoomiyaha degmada Dayniile Maxamed Abuukar Cali Jacfar sidoo kale ah musharax u taagan kursiga HOP025.

Kursiga HOP025 oo ah kursi ay leedahay beesha Murusade gaar ahaan jufada Daguuro ayaa inta badan odayaasha iyo qeybaha kala duwan ee bulshada leh kursigaasi taageereen in sanadkan ku fadhiisto kuna matelo beeshaasi Guddoomiye Jacfar.

Kursigan oo horey ugu fadhisay Xildhibaan Naciimo Maxamed Gacal ayaa sanadkan dadaalo badan oo la sameeyay kaddib lagu guuleestay in laga wareejiyo qoondada dumarka lagana dhigo mid rag .

Doorashada kursigan iyo kuraas kale oo taalla magaalada Dhuusomareeb ayaa la filayaa in ay dhacdo isbuuca soo socda, waxaana kursigan musharaxiinta u taagan ugu cad cad loona badinayaa in uu ku guuleesto Musharax Maxamed Abuukar Cali Jacfar.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post