645 Views

Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo kulan la qaatay Guddoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka federaalka

Guddiga doorashooyinka Jubbaland oo  kulan la  qaatay Guddoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka federaalka
____________________________________________________________________________

Isniin: july 26 2021

 Guddiga hirgalinta doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland ayaa xalay magaalada Kismaayo kulan kula qaatay Guddoomiyaha guddiga hirgalinta doorashooyinka heer federaal iyo xubno kale oo katirsan guddiga oo ku sugan magaalada Kismaayo.

Kulanka ayaa looga hadlay in si deg deg ah loo qabto doorashada aqalka sare ee baarlamaanka.

Dhinacyada ayaa isku afgartay in la dardar geliyo sidii ay u qabsoomi lahaayeen doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka.

Kulankan ayaa imaanaya kadib markii uu dib u dhac uu ku yimid jadwalka doorashooyinka aqalka sare, maadaama lagu balamay in la qabto 25 bishan, balse lama oga xiliga ay dhici doonaan doorashooyinka labada gole ee baarlamaanka

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post