867 Views

Ciidamo ka tirsan Booliska Puntland oo weeraray saldhiga bartamaha magaalada Garoowe

Ciidamo ka tirsan Booliska Puntland oo  weeraray saldhiga bartamaha magaalada Garoowe
____________________________________________________________________________

April 22-2021

 Ciidamo ka tirsan Booliska Puntland ayaa weeraray saldhiga bartamaha magaalada Garoowe, waxaana weerarkaas ku dhaawacmay labo askari.

Ciidamada weeraray saldhiga ayaa watay gaari tikniko ah, waxayna xoog kula baxeen taliyihii hore ee ciidamada rugta dowladda hoose degmada Goroowe oo la xiray markii uu diiday xilka qaadis lagu sameeyay.

Mar kale ciidamada ayaa xoog kula baxay labo askari oo ka tirsanaa saldhiga oo loo xiray ku lug lahaanshaha weerarkii lagula baxay sarkaalka xilka qaadista diiday.

Askarta saldhiga Garoowe weeraray ayaa kamid ahaa ciidamo Boolis ah oo dhawaan lagu soo tababaray xerada Xorgoble ee Qardho.

Booliska Puntland ayaa ka hadlin falkan, waxaana xiriiro aan la samaynay saraakiil ka tirsan Booliska Puntland ay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan dhacdadan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post