1104 Views

Qaramada Midoobey oo cambaareysay weerarkii Ceelgaabta ee Muqdisho

Qaramada Midoobey oo cambaareysay weerarkii Ceelgaabta ee Muqdisho
____________________________________________________________________________

Sabti: September 25, 2021

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa cambaareeeyay weerarkii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale Qaramada Midoobey ay tacsi u dirtay eheladii dadkii ku dhintay weerarka.

Qoraalka ka soo baxay Qaramada Midoobey ayaa sidoo kale lagu sheegay, “waxaan markasta garab taaganahay dhammaan Soomaalida si looga hortago falalka argagaxisada ah ee foosha xun”

Ugu yaraan siddeed qof ayaa dhimatay, siddeed kalena way dhaawacmeen kadib markii gaari lagu soo rarray walxaha qarxa uu ku qarxay gaadiid taagnaa meel dhawr tallaabo u jirta bar kontorool oo laga ilaaliyo xarunta madaxtooyada, gaar ahaan isgoyska ceelgaabta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post