828 Views

Puntland oo dagaal adag kula jirta ka hor taga Qamriga Itobiya laga keeno.

Puntland oo dagaal adag kula jirta ka hor taga Qamriga  Itobiya laga keeno.
____________________________________________________________________________

.

February 21, 2021

Shirkii  amniga ee gobolka Bari oo ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa waxaa looga hadlay xoojinta amniga ka hortagista Maandooriyaha iyo dhalinyarada dhaca xatooyada u geesta dadweynaha xiliyada habeenkii ah geysta.

G/Le Yuusf Cabdi Cartan oo kamid ah sarakiisha Gobalka Bari ayaa ka war bixiyay natiijada shirka amniga isagoona sheegay in la isla gartay in bulshada Gobalka Bari ay muujiyaan xoojinta amniga iyo garab istaag ay siyaan ciidmada Booliska si looga hortago wax walba oo dhibaato amni sameenkara.

Waxa uu sheegay in booliisku ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad loo soo qabtay Khamri,Sharcigana la hor gayn doono, waxa uu sidoo kale sheegay in aysan jirin cid sharciga ka wayn, askariga kasta oo ka tirsan ciidamada amniga ee dhib u gaysta mawaadinksta sharciga la marsiin doono.

Sarakiisha Boolsika Gobalka Bari ayaa ugu danbeyn Shacabka Bosaaso ka codsaday in laamaha amniga ay kala shaqeeyaan sugidda amniga iyo hagaajintiisa

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post