765 Views

khasaaraha ka dhashay dagaal gelinkii dambe ee shalay ka bilaawday deegaan hoos taga degmada Matabaan

khasaaraha ka dhashay dagaal gelinkii dambe ee shalay ka bilaawday deegaan hoos taga degmada Matabaan
____________________________________________________________________________

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal gelinkii dambe ee shalay ka bilaawday deegaan hoos taga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, kaas oo soo gaaray fiidkii hore ee xalay.

Dagaalka ayaa ka bilaawday deegaan lagu magacaabo Nagaarta, waxuuna salka ku hayaa muran la xiriira Baraago biyo laga cabo oo mudo lagu dirirsanaa kadib dhawaan labada beellood ay ka heshiiyeen, sida ay noo sheegeen dadka deegaanka.

Ku dhawaad 10-qof ayaa ku geeriyootay dagaalkaas oo xalay la isla soo gaaray, waxaana jira tiro dhaawacyo ah oo la kala gaarsiiyey isbitaallada magaalooyinka Matabaan iyo Beledweyne oo ka wada tirsan gobolka Hiiraan.

Dadka deegaanka ayaa noo sheegay in dhawaan dhulka lagu dagaalamayo ay gaareen saraakiil ciidan oo soo afjaray colaadii horay uga taagneyd deegaanka, balse hadda uu si lama filaan ah ku bilaawday dagaalku.

Illa hadda ma jirto cid ku baxday halkii ay ku dagaalameen labadaas maleesho beeleed, waxaana saakay lasoo sheegayaa in labada dhinacba ay wadaan hub iyo gurmad uruursi, iyadoo laga cabsi qabo in deegaanka uu mar kale dagaal ka qarxo maanta.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post