807 Views

Midowga Afrika oo Wakiil cusub u soo magacaabayo Somalia, kadib tallaabadii Rooble

Midowga Afrika oo Wakiil cusub u soo magacaabayo Somalia, kadib tallaabadii Rooble
____________________________________________________________________________


Sabti: April 16, 2022

Midowga Afrika ayaa qorsheynaya inuu maalmaha soo socda soo magacaabo Wakiilka Cusub ee Midowga Afrika ee Soomaaliya kaas oo badalaya wakiilkii hore ay Xukuumadda dalka ka eriday Danjire Francisco Madeira.

Wargeyska The East African ayaa shaaciyay tani, isagoo soo xiganaya ilo diblomaasiyadeed, waxaana uu sheegay in Midowga Afrika ay ku cadaadinayaan Ambassador Francisco Madeira in uu is casilo si uusan ugu muuqan Nin la ceyriyay.

Sidoo kale, Wargeyska ayaa caddeeyay in wakiilkii Midowga Afrika uusan dib dambe ugu laaban doonin Soomaaliya kadib markii loo aqoonsaday shaksi aan dalka laga rabin.

Warbixinta Wargeyska the East African ayaa lagu xusay in Ambassador Madeira uu Soomaaliya ka maqnaa markii uu soo baxay go’aanka ceyrintiisa kadibna uusan dib ugu laaban.

Sidoo kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Afrika uu noqon karo Maman Sambo Sidikou kaas oo u dhashay dalka Niger, sida ay qorsheenayaan Madaxda Midowga Afrika.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Africa Moussa Faki Mahamat qoraal lagu shaaciyay Twitter-ka rasmiga ah ee Midowga Africa ayaa walaac loogu muujiyay go’aankii uu dhowaan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya uu dalka kaga eryay Wakiilkii Gaarka ahas ee Midowga Afrika ee Soomaaliya Danjire Francisco Caetano Madeira.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post