Muqdisho | QOL | September 27, 2017 — Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay fal naxdin lahaa oo ay Shalay Ciidamada AMISOM ka geysteen Magaalada Muqdisho.
Ciidamada AMISOM ayaa Shalay Baabuur muwaadin Soomaaliyeed uu lahaa ku dardartay Wadada KM4 ee Magaalada Muqdisho.
Haddaba Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay inuusan marnaba raali ka noqon karin in la dhibaateeyo shacabka Muqdisho iyo muwaadiniinta Soomaaliyeed
AMISOM ayaa Magaalada Muqdisho dhawr mar waxa ay ka gaysatay falal tacadi Bulsho ah, taasi oo dadka ay aad uga caroodeen.
,
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
______________________________________________
_____________________________________________________________________________________
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia
_____________________________________________________________________________________