1521 Views

Dhimasho iyo Dhaawac Ka Dhashay Shil Tareen

Dhimasho iyo Dhaawac Ka Dhashay Shil Tareen
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 7da Maarso, 2021:Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, 40 kalena waa ay ku dhaawacmeen Saakay shil tareen oo ka dhacay gobolka Sindh ee koonfurta dalka Pakistan.

Tareenka oo ku sii jeeday magaalada Lahore ayaa mid aad u weynaa, waxaana uu ka kala go’ay dhex bartamaha, sida ay sheegeen saraakiish  gobolks.

Dadkii ku dhaawacmay ayaa loo gudbiyay isbitaalada,  waxaana la bilaabay baaritaan ku saabsan sababta keentay shilka.

Wasiirka Gaadiidka Dalka Pakistan Azam Sawati ayaa sheegay in ehelada dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay la siin doono magdhow.

Shilalka tareenada ayaa si joogto ah uga dhaca Pakistan, iyada oo kaabayaasha dhaqaalaha tareenada aysan ku filnayn dhisida wadooyinka.

W/Q Mohamed Abdirahman Sheikh

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post