702 Views

Rw Kheyre oo xil u Magacaabey Guddoomiyihii Baarlamaanka K/Galbeed

Rw Kheyre oo xil u Magacaabey Guddoomiyihii Baarlamaanka K/Galbeed
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 6, 2020 –MaRa’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa DR C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye u magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

 

Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’iisul wasaaraha Dalka oo nuqul kamid ah la soo gaarsiiyay Idaacadda Risaala ayaa lagu magacaabay Dr C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye in uu noqdo wasiiru Dowlaha ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

 

Wuxuu bedelayaa Daahir Cabdi Cabdullaahi (Dr Go) oo horey u haayay xilkaasi wasiiru dowlanimo.

 

Dr C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye wuxuu horey u ahaa guddoomiyihii golaha Wakiiladda ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed,xilkaasi oo dhawaana loo doortay Amb Cali Sigiid Hiqi oo horey u ahaa isna Danjirihii Soomaaliya ee Midowga Yurub.

 

Magacaabista xilka wasiiru Dowlaha Wasaaradda ganacsiga guddoomiyihii golaha Wakiiladda ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli Baraha bulshada lagu faafiyey Warbaahinta qaarkoodna ay qoreysay in uu Xabsi guri ku yahay Magaalada Baydhabo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment