1155 Views

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo dib ugu laabtay Jowhar

Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo dib ugu laabtay Jowhar
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeelle.

Cali Guudlaawe ayaa waxaa soo dhaweeyay, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle, maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa kormeer kutagay Goobaha ay kasocodaan Dadaalada xakameeynta Fatahaadaha Magaalada Jowhar, isaga oo ugu Mahadceliyay Maamulka Gobolka iyo Wasaaradda beeraha Dadaalada ay ku bixiyeen Xersita daadadka Fatahaadaha Wabiga Shabelle.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa Magaalada Muqdisho waxaa uu uga qeyb galay shirar looga hadlayay Arrimaha doorashooyinka iyo xalinta khalalaasihii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post