894 Views

DEG DEG: Guddiga doorashada heer federaal oo hakiyay kursi doorashadiisa la shaaciyay

DEG DEG: Guddiga doorashada heer federaal oo hakiyay kursi doorashadiisa la shaaciyay
____________________________________________________________________________


Axad: March 13, 2022

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa maanta shaaciyay inay hakiyeen doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP#204, kaasi oo deegaan doorashadiisa ay tahay maamulka Koofur Galbeed.

Guddiga FEIT ayaa sheegay in kursigaas ay cabashooyin is-daba-joog ah uga gudbiyeen Malaaqa Guud iyo Samadoonada Beesha Jarroon oo ah beesha iska leh kursiga HOP#2024.

“Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (FEIT) waxa uu si xushmad leh ugu wargelinayaa Guddiga Maamulka Doorashada Heer Dowlad Goboleed ee Koonfur Galbeed SEIT inay hakiyaan qabashada doorashada kursigaan inta laga xalinayo cabashada ka taagan,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga.

Guddiga si faah-faahsan uma sheegin khaladaadka ka jira habraaca la soo gudbiyay, ayada oo dhawaan uu guddiga doorashada Koonfur Galbeed uu shaaciyay doorashada kursigaas uu qabsoomi doono maalinta Salaasada ah ee 15-ka Maarso.

Kursiga HOP#204 ayaa waxaa lasoo warinaya in madaxweyne Lafta-gareen uu si gaar ah ugu xiray Wasiir ka tirsan golahiisa wasiirada, xili uu si weyn kursigaas u daneynayay sanadihii lasoo dhaafay Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdiqaadir Jaamac.

Qoraal shalay kasoo baxay guddiga doorashada ee Koonfur Galbeed, ayaa waxaa lagu sheegay in diwaan-gelinta musharaxiinta kuraas uu kamid yahay midka la hakiyay ay bilaabayaan maalinta barri ah.

Si kastaba, Ma aha markii u horeysay ee Guddiga FEIT uu hakiyo doorashada kursi, hase yeeshe waxaa la ogeyn sida ay amarkaan ugu hogaansami doonaan guddiga SEIT Koonfur Galbeed, oo ayagu hore iskaga dhago tiray amarada guddiga doorashooyinka heer federaal.

By Guuleed Muuse 

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post