1779 Views

Dhageysiga Dacwadda Cabdi Maxamuud Cumar oo bilaabatay

Dhageysiga Dacwadda Cabdi Maxamuud Cumar oo bilaabatay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 08, 2018 —Madaxweynihii hore ee Dawlad degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa markale maanta la hor geeyey maxkamad ku taalla Magaalada Addis Ababa, waxaana bilaabatay dhageysiga Kiiska loo heysto.

Dhageysiga dacwadda Cabdi Maxamuud Cumar ayaa horay dib loo dhigay muddo 14 cisha ah.

Cabdi ayaa ku eedaysan inuu gaystay dil, xarig aan loo meel dayin, jir dil iyo ku takri fal awoodeed, eedahaas oo uu isagu beeniyay in uu geystay.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa laga soo xirey guri ku yiilay magaalada Addis Ababa 27-dii bishii Augosto, kadib markii baarlamaanka degaanka uu xasaanaddii ka qaaday isaga iyo 6 mas’uul oo kale.

01

1

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment