975 Views

Turkiga oo Yurub ku fasaxay qaxootigii uu ka haayey

Turkiga oo Yurub ku fasaxay qaxootigii uu ka haayey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Jimco  , Feberaayo 24, 2020 —Koox muhaajiriin ah oo ku sugan dalka Turkey ayaa maanta u dhaqaaqay dhanka xuduudda dalkaas uu la wadaago Greece iyo Bulgaria, ayaga oo ku wajahan Yurub.

 

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii sarkaal sare oo ka tirsan xukuumadda Ankara uu sheegay inaysan hadda kadib u hogaansami doonin heshiiskii ay sanaddii 2016 la saxiixdeen Midowga Yurub ee lagu joojinayo muhaajiriinta usoo socdaalaya Yurub.

 

 

Sarkaalka ayaa kadib u sheegay Reuters in booliska iyo saraakiisha ilaada xuduudaha lagu amray inay ka hor wareegaan qaxootiga doonaya in dhulka iyo badda ay uga tallaabaan Europe.

 

Turkey ayaa Khamiistii sheegtay in 33 askari looga dilay duqeyn ay ciidamada dowladda Syria ka fuliyeen gobolka Idlib.

 

Dagaalka Idlib ayaa horseeday in qaxooti badan oo Syrian ah ay usoo cararaan dhanka Turkey.

 

Turkey ayaa waxay hadda marti gelisaa 3.7 milyan oo qaxooti Syrian ah waxayna sheegtay inaysan xamili karin intaas ka badan.

 

Culeyska mart-gelinta qaxootiga “waa mid aad ugu culus inuu hal dal xambaaro,” ayuu sarkaalka Turkish-ka u sheegay Reuters.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment