546 Views

Wasiirka Caafimaadka XFS Oo Kulan La Qaatay Danjiraha Uk Ee Soomaaliya

Wasiirka Caafimaadka XFS Oo Kulan La Qaatay Danjiraha Uk Ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Talaado:AUGUST 30, 2022

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa kulan la qaatay Danjiraha Boqortooyada Ingiriiska iyo koox ka socotay Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta (FCDO) ee Safaaradda Ingiriiska.

Danjire Kate Foster Safiirka Dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliyaa ayaa Wasiirka iyo Mas’uuliyiintii kale ee la socotey si diiran u soo dhaweeyay kagana warbixiyey xiriirka iyo wadashaqeybta ballaaran ee Wasaaradda iyo Safaaradda ka dhaxeysa.

Labada dhinac ayaa ka wada hadley sidii loo cusboonaysiin lahaa ballan-qaadkoodii ku aaddanaa Iskaashiga Horumarinta qeybta Caafimaadka, waxayna isla garteen kawadashaqeynta hannaanka ay Dowladda u hoggaaminayso ee ah hirgelinta Barnaamijka “BETTER LIVES” oo ay maalgeliso FCDO iyo in la hubiyo Maalgelinta UK ee la jaan-qaado mudnaanta Dawladda si Bulshada loo gaarsiiyo xirmo isku dhafan oo muhiim u ah adeegyada Caafimaadka (EPHS), iyo xoojinta nidaamyada maamulka Caafimaadka ee mudnaanta leh si ay iskukaabaan Mashaariicda horumarineed ee kale oo ay maalgeliyaan hey’addaha kale ee horumarinta kala shaqeeya Wasaaradda sida Bangiga Adduunka.

Wasiirka Caafimaadka ayaa uga mahadceliyay sida joogtada ah ee ay Dowladda UK uga go’an tahay taageerada ay ku bixinayaan iyo dadaalka ku aaddan wax ka qabashada masiibada COVID-19 iyo abaaraha socda ee saameeyay in ka badan 7 milyan oo Soomaali ah ilaa hadda.

Dawladda Boqortooyada ingiriiska waxay gacan ka gaysatay qaabaynta iyo horumarinta Xirmada Aasaaska ah ee Adeegyada Caafimaadka (EPHS) oo ah qaab-dhismeedkeena Qaran ee habaynta, maaraynta iyo bixinta adeegga Daryeelka Caafimaadka aasaasiga ah ee Dalka.

Wasaaradda waxaa ka go’an xal u hellidda baahiyaha dhanka Caafimaadka ah ee ka jira dalkeena iyadoo la xoojinayo xiriirka Wasaaradda ay la lee dahay daneeyayaasha Horunarinta Caafimaadka si loo hello Bulsho bad qabta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post