1038 Views

Wasiir Sadiiq oo Brussels wada-hadallo kula leh madaxda ururka Midowga Yurub

Wasiir Sadiiq oo Brussels wada-hadallo kula leh madaxda ururka Midowga Yurub
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Nofeembar 30- 2019 –Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Sadiiq Xirsi Warfaa oo ku sugan magaalada Brussels ee xarunta Midowga Yurub ayaa halkaasi kula kulmaya mas’uuliyiin ka tirsan ururka Midowga Yurub.

Wasiir Sadiiq, ayaa ugu horreynba la kulmay madaxa Midowga Yurub ee Bariga-Afrika, Hans Stausbol. Kullanka waxaa si qoto dheer looga hadlay Shaqada, Xuquuqda Shaqaalaha, Daryeelka Bulshada iyo Dib-u-habeeynta Shaqaalaha Rayidka.

“Inta uu kullanka socday waxaan si aad ah u caddeeyay ajandahayaga ,waxaana codsaday in Midowga Yurub door taageerro ku yeesho dadaallada aan ku dooneyno dib u habeynta shaqaalaha iyo shaqo abuurka.” ayuu yiri wasiir Warfaa oo Midowga Yurub ku ammaanay taageerada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Madaxa Midowga Yurub ee Bariga-Afrika, Hans Stausbol – wuxuu muujiyay inta uu kullanka socday sida ururka ugu qanacsanyahay dadaallada socda ee dib u habeynta shaqaalaha iyo Daryeelka Bulshada, wuxuu markaa caddeeyay Midowga Yurub inuu garab taaganyahay qorshaha lagu dhimayo shaqo la’aanta, fursadaha shaqadana ay ku helayaan ‘kuwa ugu muhiimsan.

 

 

Xafiiska WArarka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment