1785 Views

Askar Kenyan oo dil iyo dhaawac ku noqday weerar ay geysteen Al-Shabaab

Askar Kenyan oo dil iyo dhaawac ku noqday weerar ay geysteen Al-Shabaab
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | July 2018 – Booliska dalkaasi waxay faahfaahin ka bixiyeen weerar jid-gal ah oo ay Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab Khamiistii ka geysteen magaallo-xeebeedka Laamu ee dalkaasi.

Ugu yaraan Hal Sarkaal Boolis ayaa la dilay, 2-kalena dhaawacyo khatar ah ayaa soo gaaray, kadib, markii ay Dagaalamayaal Alshabaab jidka u galeen Kolonyo ay Ciiddankaasi ku socdaalayeen magaalladda Xeebta leh ee Laamu.

Taliyaha Boliska Gobalka Xeebta ee dalkaasi, LAMU, Noagh Mwivanda ayaa xaqiijiyey weerarkaasi oo ka dhacay DeegaankaMilihou ee Xeebta Laamu.

Waxa uu tilmaamay inay Alshabaab jidka u galeen gaari ay la socdeen 6 Askari, kuwaasi oo xilligi ila weeraray ka soo laabanayey Xeradooda oo ku taalla Deegaanka Mpeketoni.

Taliyaha o ola hadlay Wakaalladda Wararka Shiinaha ee XINHUA waxa uu tilmamaay in hal Askari la dilay, 2 kale la dhaawacay, halka 3 kalena la la’ yahay raqdooda iyo ruuxooda.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment