795 Views

Tartanka qaariga iyo mu’addinka ugu codka fiican dunida

Tartanka qaariga iyo mu’addinka ugu codka fiican dunida
____________________________________________________________________________

Arbaco: April 13, 2022

Dowladda Sucuudiga ayaa martigalineysa tartan caalami ah oo lagu baadigoobaya qaariga iyo mu’addinka ugu codka macaan dunida.

Tan iyo markii tartankan la shaaciyay sanaddii 2019-kii waxaa isu diwaangalisay in ka badan 40,000 oo qof oo 80 dal matalaysay. Ka dib dhowr wareeg oo qiimeyn ah 36 qof ayaa ku soo baxday heerka ugu dambeeya ee tartankan. 18 ka mid ah ayaa ku tartami doonto Quraan akhrinta halka 18-ka kalane ay u tartamayaan abaalmarinta mu’addinka ugu fiican..

Waxaa barnaamijka laga baahinayaa talefishinka dowladda Sucuddiga inta lagu guda jira bisha barakeysan ee Ramadaanka.

13 garsoorayaal caalami ah ayaa qabanaya tartankan.

Qaariga ugu codka fiican ayaa la siin doonaa $1.3 milyan halka mu’addinka ugu codka fiicanna uu heli doono $530,000

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post