1131 Views

SAWIRO:-Fulinta heshiiska Beelo ku dagaalamay Mudug oo bilaawday

SAWIRO:-Fulinta heshiiska Beelo ku dagaalamay Mudug oo bilaawday
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –December 15 , 2019 | QOL |   –Deegaanka Towfiiq ee Bariga Gobolka Mudug waxaa Maanta gaarey wafdi uu hoggaaminayo Taliyaha Guutada 15-aad ee qeybta 21-aad ee ciidanka Xooga dalka Gen. Mascuud Maxamed,halkaas oo dhawaan ay ku dagaalamaeen laba maleeshiyo Beeleed.

 

Wafdiga taliyaha ayaa horudhac u ah Taliyaha Ciidamada lugta xoogga dalka  iyo Taliyaha Qeybta 21-aad oo markale tegaya deegaankaas,si loo dhaqan geliyo heshiiskii ay wada gaareen labada Beelood.

 

 

 

Saraakiishaan ayaa waxaa ay dadihin doonaan sidii loo kala qaadi lahaa ciidamada malkeeshiyaadka dagaalamay taas oo bilaaw u ah fulinta heshiiskii ay dhawaan wada gaareen labada Beelood.

 

Maantay ayaa lagu wadaa in la kala qaado ciidamadii beelihii ku dagaalamay degaanada Afbarwaaqo iyo Towfiiq, taas oo ah qodobka labaad ee hesiiskii shalay la gaaray,waxaana degan xaalada deegaannadii lagu dagaalamay.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment