1047 Views

Al-Shabaab oo Goob fagaaro ah ku toogtay Saddex Ruux

Al-Shabaab oo Goob fagaaro ah ku toogtay Saddex Ruux
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 28- 2020–Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla degmada Ceelbuur oo ka tirsan Gobolka Galgaduud waxaa ay ku toogteen Saddex Ruux oo ay ku eedeeyeen inay Mareykanka kala Shaqeeyeen duqeymo uu la beegsaday Saraakiil ka tirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab.

 

Saddexda Ruux oo ay toogteen Al-Shabaab ayaa isugu jiray laba Dhalinyaro ah iyo Nin Oday ahaa,kuwaas oo lagu kala Magacaabi jirey.

 

 

 

1: Axmed Nuuroow Maxamed Xeroow oo 23 sana jir ahaa,kaas oo ay ku eedeeyeen in uu la Shaqeynayay diyaaradaha wax duqeeya ee Mareykanka iyo Maamulka Koonfur Galbeed.

 

3: Bashiir Maxamuud dhagool oo 22 sana jir ahaa oo ay ku eedeeyeen in uu mas’uul ka ahaa duqeymo ay diyaaradaha Mareykanka la beegsadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

 

3: Bishaar Axmed Cabdulle Hooloow oo 50 sana jir ahaa,waxaana ay sheegeen in uu la Shaqeynayay Diyaaradaha duqeymaha fuliya ee Mareykanka iyo Maamulka Hir-Shabeelle.

 

Al-Shabaab ayaa horay sidaan oo kale meelo badan oo kamid ah Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya fagaarayaal ku yaalla waxaa ay ku toogteen dad ay ku eedeeyeen inay la Shaqeynayeen Dowladda Soomaaliya iyo Dowladaha taageera.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment