984 Views

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo u ambabaxay Faransiiska

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo u ambabaxay Faransiiska
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 10, 2019–Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay u ambabaxeen dalka Fariinsiiska.

 

Wafdiga oo Garoonka diyaaradaha ay kasii sagootiyeen Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan dowladda ayaa waxaa ay ka qeyb-galayaan madasha nabadda Paris, oo looga hadlayo Nabadda iyo Amniga, arrimaha horumarinta, deegaanka, tegnoolojiyadda cusub, dhaqaalaha loo dhanyahay, dhaqanka iyo waxbarashada.

 

 

 

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa inta uu ku sugan yahay Faransiiska waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda kasoo qeyb-galeysa Shirkaas.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment