1062 Views

Ciidanka PMPF oo xalay cabsi aan jirin ka abuuray magaalada Boosaaso

Ciidanka PMPF oo  xalay cabsi aan jirin ka abuuray magaalada Boosaaso
____________________________________________________________________________


Arbaco: December 1, 2021

Ciidanka loo yaqaan PMPF ayaa xalay cabsi aan jirin ka abuuray magaalada Boosaaso sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaal kala duwan.

Cutubyo ka tirsan PMPF oo ku hubaysan gaadiidka dagaalka ayaa xalay dhufayso ka samaystay qaar kamid ah xaafadaha Rayidku deggan yihiin halkaas oo ay haddana saaka ka baxeen.

Tallaabada ciidankaas qaaday ayaa loo arkay mid mas’uuliyad-darro ah islamarkaana dhibaato u keentay amniga iyo xasiloonida Boosaaso.

Ciidamada kale ee dowladdu ku daabushay Boosaaso ayaan wax dhaqdhaqaaqa samayn halka Ciidanka PSF-na ay xarumahooda joogaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post