465 Views

koox ka tirsan Al-Shabaab oo isku dayay inay baxsadaan oo isku dhiibaan ciidanka dowladda iyo Alshabaab oo Dagaal ku dhex maray degmada Xarardheere .

koox ka tirsan Al-Shabaab oo  isku dayay  inay baxsadaan oo isku dhiibaan ciidanka dowladda iyo Alshabaab oo Dagaal ku dhex maray degmada Xarardheere .
____________________________________________________________________________

 Sabti: DECEMBER 31, 2022

 Wararka aan ka heleyno gobolka Mudug waxay sheegayaan in uu maanta duleedka degmada Xarardheere ka dhacay dagaal u dhaxeeya dagaalyahano ka wada tirsan kooxda Al-Shabaab.

Dagaalkaan ayaa qarxay kadib markii koox ka tirsan Al-Shabaab ay isku dayeen inay baxsadaan oo isku dhiibaan ciidanka dowladda ee ku sugan koonfurta gobolka Mudug.

Dagaalkaas ayaa ka dhacay deegaanka Dabagalo oo hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Musug, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen koox isku dayday inay ka baxsadaan.

Al-Shabaab-ka wadada u galay kooxda baxsadka ah ee isku dhiibi rabtay ciidanka dowladda ayaa ka baxay deegaanka Camaara ee gobolka Mudug.

https://41e191d937813108eb7324b76875e886.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-40/html/container.html Dagaalka oo socday mudo hal saac ah ayaa la sheegay inay ku dhinteen ugu yaraan 7-xubnood oo dhinacyadii dagaalamay ah, sida ay tebisay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo soo xiganeysa ilo dadka deegaanka ah.

Dagaalka u dhexeeya Al-Shabaab ee maanta Mudug ka dhacay ayaa ah calaamad wayn oo muujinaysa sida ay kooxdaas ugu jabtay dagaallada uga furmay gobollada dalka, waxaana xusid mudan in dagaalkaan uu ka dhashay is hortaag lagu sameeyey koox dooneysay inay is dhiibto oo Al-Shabaab isaga baxdo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post