1005 Views

Villa Somalia “Waa been madaxweyne Farmaajo kama tanaasulin murashaxnimadiisa, waana musharax Madaxweyne

Villa Somalia “Waa been madaxweyne Farmaajo kama tanaasulin murashaxnimadiisa, waana musharax Madaxweyne
____________________________________________________________________________

Khamiis: April 28, 2022

 Mid ka mid ah mas’uuliyiinta sare ee ololaha doorashada u qaabilsan Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xiriir uu lasoo sameeyay Saxaafada  beeniyay warar suuqa iyo baraha bulshada lasoo geliyay oo sheegayay in Farmaajo ka tanaasuli doono murashaxnimadiisa inuu mar kale u tartamo xilka madaxweynenimo.

Mas’uulkaan oo ka gaabsaday magaciisa ayaa sheegay in madaxweynuhu qorshahiisa uu yahay mid degsan oo mudo fara badan laga soo shaqeynayay haadana la joogo xiligii munaasabka ku aheyd in la badbaadiyo dalka iyo dowladnimada, sidaas darteed uu madaxweynaha sida ugu dhaqsiyaha badan u shaacin doono murashaxnmadiisa iyo in bulshada Soomaaliyeed uu u xaqiijiyo inuu xiligiisii labaad uu u taagan tahay samatabixinta dalka iyo heykalka qaranimo.

“Madaxweynuhu qorshahiisa waa mid degsan, oo aan habooneyn in fadhi ku dirirada looga hadlo, waana arrin qaran, qorshaha madaxweynaha ee ku aadan badbaadinta dalka iyo heykalka qaranimo wuxuu shacabka Soomaaliyeed iyo cid kasta oo quseysa uu la wadaagi doonaa sida ugu dhaqsiyaha badan” ayuu yiri mas’uulkaasi ka tirsan xafiiska ololaha doorashada Madaxweyne Farmaajo.

Wuxuu beeniyay mas’uulkaasi isla markaana kutura-kuteen ku tilmaamay wararkaasi tilmaamaya in Farmaajo uu tanaasuli doono, isagoona sheegay in uusan joogin meel uu ku tanaasulo, maadaama buu yiri dalka iyo dadka ay u baahan yihiin.

Saacadihii lasoo dhaafay ayaa kooxaha mucaaradka ay baraha bulshada iyo saxaafadda qaar ku baahiyeen in madaxweynaha uu tanaasuli doono, markii uu arkay guusha Aadan Madoobe iyo Cabdi Xaashi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post