486 Views

Ciidanka Xoogga oo gurmad biyo dhaamin ah u sameeyey Qaar ka mid ah dadka abaartu saameeysay

Ciidanka Xoogga oo gurmad biyo dhaamin ah u sameeyey Qaar ka mid ah dadka abaartu saameeysay
____________________________________________________________________________


isniin: December 13, 2021

 Taliska Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta Biyo dhaamin u sameeyey qoysaska danyerta ah ee ku nool Kaamamka ku yaala duleedka magaalada Baydhabo kuwaas oo ka soo barakacay Abaarta ka jirta deegaanada Koonfur Galbeed .

Taliyaha Qeybta 60-aad Jeneraal Maxamed Sheekh Cabdullahi Ciirow ayaa Warbaahinta u sheegay inay gurmadka Biyo dhaaminta ah ee loo fidineyo dadka masaakiinta ah ay sii wadi doonan, maadaama qoysaska aysan intooda badan awoodin inay biyo dhaansadaan,

Qaar ka mid ah Gobolada Dalka ayey ka jirtaa abaar aad u daran oo waxyeelo u geysatay Danyarta, Beeralayda iyo Shacabka Xooll dhaqatada Soomaaliyeed, kuwaasi oo ku xoolo beelay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post