639 Views

Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday Farmaajo oo war kasoo saaray dib u doorashada hoggaanka Midowga Afrika

Madaxweynaha waqtigiisa  dhamaaday Farmaajo oo war kasoo saaray dib u doorashada hoggaanka Midowga Afrika
____________________________________________________________________________

Axad February 7, 2021

Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambaleeyay guddoomiyaha Midowga Afrika Muusa Faki Mahamat oo dib loo doortay kaas oo afartii sano ee lasoo dhaafay xilkan hayay.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay taageereyso guddoomiyaha cusub iyo ku xigeenkiisa si horey loogu socdo.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa waxaa lagu sheegay in madaxweynaha uu ku bogaadiyey Moussa Faki doorka uu weyn ee uu ka qaatay dadaallada ciribtirka saboolnimada iyo xagjirnimada oo caqabad ku ah horumarka shucuubta Afrika.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inuu sii adkeynayo muhiimada ay leedahay in hoggaamiyeyaasha Qaaradda Afrika ay si wadajir ah uga shaqeeyaan arrimaha horumarka, ilaalinta nabadda iyo xasiloonida guud ahaan gobolka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post