603 Views

Madaxweynaha Koonfur Africa Cyril Ramaphosa oo ka hadlay munaasabad looga baroor diiqayey Desmon

Madaxweynaha Koonfur Africa Cyril Ramaphosa oo ka hadlay munaasabad looga baroor diiqayey Desmon
____________________________________________________________________________

Sabti: January 1, 2022

Madaxweynaha Koonfur Africa Cyril Ramaphosa oo ka hadlay munaasabad looga baroor diiqayey Desmon

Tutu ayaa sheegay Tutu inuu ahaa halyey qaran oo ka baxay qaranka cusub ee Koonfur Afrika.

Munaasabadda baroordiiqa Tutu oo oo lagu qabtay kaniisadda St George Cthedral waxaa ka qayb galay qoyska baadariga, saaxibbadii, siyaasiyiin iyo shaqsiyaad kale oo caan ah iyada oo dadka sagootinta naxashka baadariga dadka ka qayb galay tiradooda la xaddiiday Coronavirus awgii.

Desmon Tutu oo ka mid ahaa shaqsiyaadkii u dhaqdhaqaaqay dagaalki midab takoorka lagu soo afjarayey wuxuu guddoomiye ka soo noqday guddigi xaqiiqa raadinta uu madaxweyne Mandela u magacaabay inuu soo baaro tacaddiyadi ka dhacay dalka Koonfur aAfrika inti ay dalkaasi ka talineysay dowladdi midab takoorka ku dhisneyd.

Halganki midab takoorka marki uu soo gabgaboobay Desmon Tutu wuxuuu wareegay kaniisadaha isaga oo ahaa wadaad madhabta Catholica faafiya.

Tutu 1984-kii waxaa la guddoonsiiyey abaalmarinta caalamiga ah ee nabadda oo loo yaqaanno ‘Noble’, wuxuuna ku geeriyooday 90 jir.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post