567 Views

Maraykanka oo “helay xog cusub” oo ku saabsan duulaanka Ruushka ee Ukraine

Maraykanka oo “helay xog cusub” oo ku saabsan duulaanka Ruushka ee Ukraine
____________________________________________________________________________


Axad: February 6, 2022

Wararka ka imaanaya Mareykanka ayaa sheegaya in saraakiisha ammaanka ay ka digeen in haddii duulaan toos ah uu Ruushka ku qaado dalka Ukraine uu sababi karo dhimashada dad gaaraya konton kun oo rayid ah.

Siyaasiyiinta ayaa loo gudbiyay xogtii ugu dambeysay ee sirdoonka Mareykanka todobaadkan. Waxaana la sheegay in loo gudbiyay in Ruushka uu boqolkiiba todobaatan uu isku dubba-riday ciidamada looga talagalay duulaanka buuxa ee ka dhanka Ukraine.

Saraakiisha Maraykanku ma aysan keenin caddayn ku saabsan qiimeynta ay sameeyeen. Waxa ayna sheegeen in xogtan ay ku saleeyeen sirdoon balse aysan awoodin in ay faah faahin ka bixiyaan,sida ay ku warrantay warbaahinta Mareykanka.

Saraakiishan ayaa sidoo kale sheegay in aysan garaneyn in madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu go’aansaday in uu qaado tallaabadan oo kale, iyaga oo intaa ku daray in weli uu suurtagal yahay in xal diblumaasiyadeed la gaaro.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post