954 Views

Guddoomiyihii xiriirka kubadda cagta Soomaaliya oo iscasilay

Guddoomiyihii xiriirka kubadda cagta Soomaaliya oo iscasilay
____________________________________________________________________________


khamiis: February 17, 2022

Cabdiqai Saciid Carab, guddoomiyihii xiriirka kubadda cagta Soomaaliya, ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Magaalada Muqdisho wuxuu iska casilay xilkii uu hayey.

Cabdiqani Saciid oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu u tanaasulay bahda ciyaaraha Soomaaliyeed. Wuxuu xusay inaysan jirin cadaadis saaran iyo cid ku qasabtay inuu is casilo, wuxuuna ku baaqay in doorashada xiriirka la qabto taasoo lagu ballansan yahay dhammaadka sanadkaan.

Cabdiqani ayaa sheegay in shaqada uu sii wadaya guddoomiye ku xigeenka Cali Shiine inta laga gaarayo doorashada xiriirka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post