840 Views

Dowlada Congo oo baaraysa dilka safiirka Talyaaniga shalay loogu geestay Kinshasa

Dowlada Congo oo baaraysa dilka safiirka Talyaaniga shalay loogu geestay  Kinshasa
____________________________________________________________________________

February 23, 2021 

Safiirkii dalka Talyaaniga u fadhiyay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa lagu dilay weerar ka dhacay bariga dalkaas, sida ay shaacisay wasaaradda arrimaha dibedda Talyaaniga.

Luca Attanasio oo 43 sano jir ah, ayaa maalintii Isniinta ahayd ku geeriyooday cisbitaal kadib markii kolonyo baabuur ah oo waday saraakiil ka socotay Qaramada Midoobay oo uu ku wehliyay safarka lagu weeraray agagaarka Goma, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda.

Kolonyada ayaa sida la sheegay waxay wadeen saraakiil ka socotay hay’adda cuntada adduunka ee WFP

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Felix Tshisekedi, ayaa cambaareeyay dillka safiirka Talyaaniga u fadhiyay dalkiiisa, isaga oo koox ka socoto madaxtooyada u xilsaaray inay caawiyaan guddiga baaraya dhacdadaan.

Kulan degdeg ah oo lagu qabtay caasimadda Kinshasa, ayaa madaxweyne Tshisekedi wuxuu ku dhawaaqay koox si joogta ah ula xiriiri doonta guddiga baaraya dhacdadaan .

Waxaa maanta la filayaa in ergo ka socoto Madaxweyne Tshisekedi ay warqad u gudbiyaan dhiggiisa Talyaaniga.

Waxaa sidoo kale weerarkaas u dhintay sarkaal milateri oo Talyaani ah iyo darawal u dhashay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo.

Maxaan ka ognahay weerarkaas?

Mr Attanasio wuxuu saarnaa mid ka mid ah laba gaari oo ku wajahnaa waqooyiga Goma xilligii uu weerarka dhacay.

Gaadiidkii ayaa waxaa “weerar ku qaaday koox ka kooban lix qof, kuwaas oo xabado ku furay ka hor inta aysan rakaabka geynin beerta qaranka ee Virunga,” waxaa sidaas BBC-da u sheegay barasaabka gobolka Kivu, Carly Nzanzu.

“Shaqaalihii ka howlgalayay halkaas ayaa ku guulaystay inay soo badbaadiyaan ku dhawaad ilaa afar qof oo lagala degay gawaarida. Balse nasiib darro kahor inta aysan cararin, waxay toogteen safiirka iyo ilaaladiisa, waxayna dileen darawalka bilawgii weerarka.” Ayuu sheegay barasaabka.

WFP ayaa sheegtay in Mr Attanasio uu ka yimid Goma halkaas oo uu booqasho ku tagay xarun lagu caawinayo arday oo ku taal tuulada Rutshuru ee bariga dalkaas,

Dad kale oo ka tirsanaa rakaabkii saarnaa gaadiidka ayaa halkaas ku dhaawacmay.

Ilaa hadda wax faahfaahin ah kama bixin cidda ka dambaysay weerarka, balse wasaaradda arrimaha gudaha Congo ayaa ku eedeysay koox Hutu xagjir ah.

Milateriga Congo ayaa deegaankaasi geeyay ciidamo si ay uga caawiyaan baaritaanka.

Mr Attanasio ayaa noqday safiirkii ugu horreeyay ee lagu dilo dalkaasi tan iyo markii la toogtay safiirkii Faransiiska Philippe Bernard intii ay socdeen rabshadihii ka dhacay caasimada, Kinshasa sanadkii 1997.

Badanaa, kolonyada gargaarka ee ku socdaalaya bariga Congo waxaa si aad ah u ilaaliya ciidamada Qaramada Midoobay, waxaana ay su’aal ka taagan tahay habka loo sugay ammaanka kolonyada uu la socday danjire Attanasio.

Wuxuu u safrayay bariga oo ah meesha ugu ammaanka xun Congo. Kooxo badan oo hubeysan oo ka jira dalkaas iyo sidoo kale kuwa ka yimid Rwanda, Burundi, Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika (CAR) iyo Uganda ayaa gobolka ku soo badanaayay 25-kii sano ee la soo dhaafay.

Weerarku wuxuu muujinayaa xaqiiqda ah in xasilloonida gobolka ay soo noqoneyso oo keliya haddii xal loo helo arrimaha siyaasadeed ee dalalkan oo dhan.

Sidee looga falceliyay?

Ra’iisal wasaaraha cusub ee Talyaaniga Mario Draghi, ayaa soo saaray bayaan uu “tacsi ku diraayay”, halka madaxweyne Sergio Mattarella uu cambaareeyay “weerarka fulaynimada ah”.

Wasiirka arimaha dibedda Luigi Di Maio wuxuu ku tilmaamay fal “naxdin iyo murugo weyn leh” iyo dil “arxan darro ah”.

“Maanta Talyaanigu wuxuu ka murugeysanyahay dhimashada labo wiil oo uu dhalay,” ayuu yiri, isagoo intaas ku daray: “Waxaan dedaal badan ku bixin doonnaa sidii loo iftiimin lahaa waxa dhacay.”

Wasiirka arimaha dibedda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo, Marie Tumba Nzeza, ayaa sheegtay in baaritaanka dilkan uu socdo.

Danjire Attanasio wuxuu wakiil uga ahaa dalka Taliyaaniga Congo ilaa sanadkii 2017-kii. Wuxuu ku soo biiray howlaha diblomaasiyadeed 2003-dii wuxuuna waqti ku soo qaatay dalalka Morocco iyo Nigeria.

Waa sidee xaaladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo?

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo waxay sanado badan udub dhexaad u ahayd dagaallada sokeeye ee foosha xumaa ee ka dhacay dhowr wadan oo dariskeeda ah.

Dagaalladaas ayaa waxa ku dhintay ilaa shan milyan oo qof intii u dhaxeysay 1994 iyo 2003, iyadoo qaar kamid ah kormeerayaashu ay ku tilmaameen inay ahaayeen dagaalladii ugu xumaa ee ka dhacay Afrika.

Howlgalka nabad ilaalinta ee Qaramada Midoobay ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa bilawday 1999-kii. Waa mid ka mid ah howlgalada nabad ilaalinta ugu weyn adduunka, iyadoo in ka badan 17,000 oo shaqaale ay ku sugan yihiin dalkaas.

Sannadkii 2018-kii, waxaa Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo lagu dilay saddex qof, laba dalxiisayaal Ingiriis ahna waa lagu afduubay kaddib markii gaarigii ay wateen lagu weerarey Beerta Virunga. Dadkii la afduubay ayaa markii dambe la sii daayay.

Xigasho BBC

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post