708 Views

hoggaamiyaha Alshabab oo is bar bar dhigay dagaalka shabaab iyo kii Daraawiishtii ee Sayid Maxamed Cabdulle

hoggaamiyaha  Alshabab  oo is bar bar dhigay dagaalka shabaab iyo kii Daraawiishtii ee  Sayid Maxamed Cabdulle
____________________________________________________________________________

2da Maarso, 2021

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa baahisay codka hoggaamiyaha ururkaas Axmed Cumar Abuu Cubeyda, isagoo ka hadlaya halgankii Daraawiishtii uu hogaaminayay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, kaas oo xiligiisii ay hadda ka soo wareegtay 100 sano.

Abuu Cubeyda waxuu isbarbar dhigayaa halgankii Daraawiishta ee Sayidka iyo dagaalka ay Al-Shabaab ka wadaan Soomaaliya, waxuuna sheegay inay is shaabahaan, maadaama sida uu sheegay xilligaas ay Sayidka iyo Daraawiishtiisa ay ka hiiliyeen dad Soomaaliyeed.

Hadda waxa uu sheegay in dagaalka ay ka wadaan Soomaaliya ay kula jiraan shisheeye, balse shisheeyuhu uu gacan ka helayo dad Soomaaliyeed oo ka hiilinaya iyaga, sida uu hadalka u dhigay,

Sidoo kale hoggaamiyaha Al-Shabaab Abuu Cubeyda waxa uu sheegay in maanta xaaladda ka jirta Soomaaliya ay ka darantahay tii xilligii Daraawiishta, oo shisheeyihii xilligaas ay hadda soo casriyoobeen, sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Maanta waa sidii xiligii daraawiishta oo kale, waxaase intaas sii dheer in shisheeyihii maanta ay dibadaha ka keensadeen, kuwo ay soo carbiyeen oo tababar ay soo siiyeen, isla markaana sita aqoonsiga dowladaha shisheeye ee soo dirsaday,” ayuu yiri ninka hoggaamiya maleeshiyada Al-Shabaab

Xigasho

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post