837 Views

Nigeria oo lagu afduubtay tiro ardey ah kuwaa soo ahaa kuwa dugsiga sare

Nigeria oo lagu afduubtay  tiro ardey ah  kuwaa soo ahaa  kuwa dugsiga sare
____________________________________________________________________________

Isniin: July 5, 2021

Wararka ka imanaya waqooyiga dalka Nigeria gaar ahaan gobolka Kaduna, ayaa sheegaya in tiro ardey ah lagu afduubtey halkaasi, kuwaasoo ah kuwa dugsiga sare.

Iskuulka Bethel Baptist, oo katirsan kaniisadda kaniisadda Baptist, ayaa waxaa weerarey dabley hubeysan, saacadihii hore ee isniinta.

Guddoomiyaha hey’adda Kiristaanka Nigeria ee gobolka Kaduna, Reverend John Joseph Hayap, ayaa u sheegay BBC-da in iskuulka ay joogeen illaa iyo 180 ardey, laakiin la afduubtey ku dhawaad ardey gaareysa labaatan.

Ma cadda in inta kale ee hartey iyana la afduubtey ama ay ka baxsadeen dhacdadani. Wali ka ayan hadlin booliiska umuurtan.

Weerarkan ayaa kusoo beegmaya saacado kadib markii dad ay kamid yihiin kalkaaliyayaal, carruur iyo waardiyayaal ilaalinayey isbitaalka Leprosy oo lagu daweeyo dadka qaba cudurka Qaaxada la afduubtey, kaasoo ku yaalla magaalada Zaria, oo katirsan gobolka Kaduna.

Afduubyada lagu dalbado madax furashada, ayaa ku baahay dalka Nigeria, iyadoo kuwa ka dhaca iskuulada ay yihiin mararka qaarkood.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post