1083 Views

Ku dhawaad 4 qof oo ku dhimatay Hoobiyeyaal lagu garaacay Villa Somaliya iyo Degmoyinka u dhaw..

Ku dhawaad 4  qof oo ku dhimatay Hoobiyeyaal  lagu garaacay Villa Somaliya iyo Degmoyinka u dhaw..
____________________________________________________________________________

April 20-2021

Wararka ka degmooyinka Boondheere iyo Warta Nabada ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in ay jiraan qasare ka dhashay Hoobiyayaal lagu garaacay halkaas goor dhawayd Balse Bartilmaameedka ahaa Villa Somaliya.

Madaafiicdan  ayaa ku dhacay agagaarka Madaxtooyada sida suuqii hore Wardhiigley, Safaaradii hore ee Jarmalka iyo xarumo kale. Waxaa sidoo kale Hoobiyeyaal ku dhaceen qeybo ka mida degmada Boondheere oo saaran Madaxtooyada.

Gudaha Warta Nabadaa waxaa la xaqiijiyey geerida laba qof, halka dhaawacana uu intaasi ka badan yahay. Sidoo kale Hoobiyaasha ku dhacay Degmada Boondheere ayaa sababay khasaare, balse weli lama hayo tiro rasmi ah.

Sidoo kale Xaafadaha hoobiyeyaasha lagu garacay ayaa aad ugu dhow madaxtooyada Villa Somalia, mana jirto illaa hadda cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan loo adeegsaday madaafiicda.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post